Friday, August 3, 2007

Qodobo Xasaasi ah !!!!!

Waxaa lagu tilmaamaa soomaalida dadyawga ugu wararka badan caalamka haday noqon lahayd xaga dhagaysiga daawadashada iyo isu sii gudbinta waxa cusub, hasa yeeshee waxa nasiib dara ah in dhagaysigoodu aanu macna balaadhan ku fadhiyin oo ay ku gaabsadaan oo qudha qodabada loo yeedhiyo iyagoon marnaba aan baadhin waxa ku qarsoon amaba ay xambaarsan yihiin, hadal badani haan ma buuxsho bal iga hooya labadan tusaale idinkuna ku dara waxaad haysaan ee garaad iyo garashaba leh
1,Hadalku siduu idiin dhaafay garan maayo mise intaad garateen baad gabasho maciin bideen, Ra,iisul wasaaraha dalka aanu dariska nahay{igama aha qadarin ee waa siduu rabbi qadaray} ee Males Zinawi ayaa waxa uu ugu khudbeeyay golaha sharci dajinta ee dalka Ethiopia/baarlamaan-ka qofba waa siduu u yaqaanee in ujeedada ugu muhiimsan ee ku xambaartay in ay Somalia weeraraan ay tahay in laga safeeyo dalka Somalia muslimiinta mayalka adag --waa sida uu hadalka u yidhi--lagana abuuro dawlad cilmaani ah oo aanu wadaagno khayraadka, akhristaw ma maqashay hadalkaa mise waa mid kugu cusub? hadaadan maqal haatan ka hor hadaba maqal, hadaadse maqashay maxaad ku fasirtay?waa maxay khayraadka uu damac san yahay inuu nala wadaago? bal is weydii waxa uu kaa damacsan yahay, mise waxaanu nidhaanaa wuu iska kaftamayay uun?
2,Frans wafol waa ergayga ugu qaabilsan Qaramada midoobay arimaha Somalia hadal uu ku hadlay ayaa igu noqday laf dhuun gashay dhinac walba dhawray cid walbana weydiiyay waxa ku daahsoon weedhaa uu ku hadlay hasa yeeshee nasiib daro ma aanaan helin cid qeexda amaba qaadaa dhigta, waxaa laga yaabaa inay si fudud idiinka hoos baxday amaba aad u qaadateen ammaan iyo qadarin uu ninku idiin hayo, bal aan idiin soo gudbiyo iyadoo kooban sharaxaadeedana waa hawl u taal Somali weyn inteeda garaadka leh, wuxuu amaan ballaadhan usoo jeediyay dalka Soomaaliya meesha uu ku yaal iyo ahmiyada uu caalamka u lee yahay xaga dhaqaalaha iyo isku xidhka caalamka wuxuu ku dhex qariyay weedhan oo uu yidhi Somalia waa wadan ku haboon inuu noqdo meel laysku weydaar sado diimaha iyo xadaaradaha caalamka...........!!! hadaba is weydiintu waxay tahay Somalia ma waxay noqotay goob saylad ah oo wax lagu kala badasho? Somalia ma waxaa ku sugan dad haysta diin aan ahayn Islaamka? mise waa hordhac lagu dareen siinayo shacabka Soomaaliyeed in aanu xaalku sidan sii ahaan doonin ee la damacan yahay in lagu beero Somalia diima kale lagana dhigo New India ?bal is weydii iskuna day inaad garato waxa ku daahsoon........!!!!!
intaasaan uga baxay, nin dareen leh mooyee doqoni yeelkii
اللّـــــــــهم احفـظ الصومال من الضياع واعصم أهله من مكر كل خـــدّاع

No comments: