Thursday, August 23, 2007

Goormaa tolow la sixi..3..!??

Qaybtan waxaanu ku eegi doonaaa hadii rabbi idmo siyaasadaha gurracan ee lagula dhaqmo Somalia mid kamid ah:
qodobkan ayaa ah mid aad xasaasi u ah kuna noqday mid aanay kasoo kabsan Somalidu waa yahan dambe kana hor istaagay inay wax tabcadaan dalkoodana aaminaan,
waxaase ayaan dara ah in qaar badan oo kamid ah aqoon yahanada Soomaaliyeed aanay ku baraarug sanayn khatarta ay ku leedahay aayaha dalka iyo dadka intaba,
meesha kuwa kale oo kamid ah bahda aqoon yahanada ay iyaguba lug ku lee yihiin hagardaamada lagu hayo horukaca dalka oo ay ka door bideen danahooda gaarka tan ummadda iyo:
waa maxay waxa ay waajibka tahay in lasaxo....!!!???
waxa aanu maqalnaa iyadoo la lee yahay haloo gurmado Somali...
hala gaadhsiiyo gargaar...
haloo fidiyo gacan aadminimo...
iyo ereyo kale oo dadka qaar ay ku diirsadaan una arkaan naxariis iyo jacayl loo hayo in loogu ololeeyo loo guna gurmado...!
Tolow amaanu xaalku ahayn saad moodeen....?
dhab ahaantii in laysu gurmadaa waa shay aadmigu isku lee yahay iyadoon la eegin waxa ay kala aaminan yihiin,
Muslimku waa inuu u fidiyaa gacan naxariis leh cid walba oo u baahan kaalmo iyo wax u qabad isagoo ka eegaya xag aadminimo ujeedada ku kalifasana ay tahay alle dartii uun,
hasa yeeshee gaaladu waa ay ka duwan yihiin dadka muslimiinta ah-
oo waxay bixiyaan waxbaa ku aasan kana dambeeya...?
waxaa laga yaabaa inaad is tidhaahdaan waa qolooyinkii wadaada ee lagu yiqiin gaala nacaybka..
akhristaw intaadan igu xukumin seef labood iyo xagjirtoona bal ila hubi waxaan kuu soo gudbiyo hadii ay ku qanciyaan iyo hadii kalana waa wax aan kaaga fadhiyo jawaabtooda:
Maahmaah English ah ayaa tidhaada:
to teach some body how to fish is better to give him a fish daily:
oo macnaheedu yahay inaad qof barto sida loo kaluumaysto ayaa ka wacan inaad siiso maalin walba midh kaluuna,
u jadeeda laga lee yahayna waa in uu helaa qofku xirfad uu ku gaadho isku filnaansho asaginii wax ugu qabto:
hadaan usoo laabto mawduuca maanta akhristaw marna ma baadhay goorta lasoo gaadhsiiyo Somalia waxa loogu yeedho caawimaaada....?nooca loo keeeno....?
ujeedada ka dambaysa...?
Somalia miyay u baahan tahay kaalmo shisheeyo...?
iyo inlays barbardhigo dheefta iyo dhibaatada ay-kaalmadu- lee dahay,
Sida laga yaabo inaad kawar haysaaan dagaalku waa laba qaybood,
Dagaal qayaxan oon geedna lagu soo gaban & dagaal siyaasadeed/dagaalka qabaw
labadaa nooc waxaa dhib iyo khasaara badan dagaalka qabaw,
waayo waxaa laguu adeeg sanayaa farsamo iyo qaab ay adag tahay inuu dareemo ruux walba,
waxaa heli kara oo qudha sarbeebta aasan qof garaad leh una kuur gala ilaahayna ku garab galo.
waxaa ayaaan dara ah inaanu maqalno mar walba oo ay soo dhawaato xiligii dalagu soo go`i lahaa in maraakiib deeq ahi ay nagu soo food lee yihiin taa oo ku noqota naxdin iyo amakaag beeralaydii sugayay inay helaan waxay nafta ku celiyaan kagana maarmaan inay aadmi dawarsadaan,
beeralaydii dhawrka bilood dul fadhiyay goofkiisa hanti wuxuu hayay iyo miduu amaahdaba galiyay kuna taamayay inuu mar uun iska rido daynka iyo culayskii saarnaa ayaa u waaya suuq wacan wuxuu tabcaday ileen maraakiib guurasa ku habsatay aaguu wax dhigi lahaayee...
khasaara weynaa oo naxdin badanaa,
madfac lagu dhuftaa udhaami lahayd midhaa dabinka loo dhigay,
taasi waxay ku abuurtaa niyad jab iyo inuu dib uga fiirsado beer dambe
shaki iyo laba labayna cudur ka weyn lama arag,
haduu muujiyo rag nimo iyo inuu mar kale ku mitido dhulka waxna tabcado ogow dabinku kama foga...dhagartuna kama dheera
ugu dambayn xaal wuxuu isugu soo biya shubtaa maxaa ku dhibi oo ku dhigay dheef la`aan inaad dhulka uun ku foorartaa ma kitaabkat ku dhigan tahay...!!!?
haday tala fara ka haaday laga soo dareer beerihii...
xagee loo socdaaa...?
waa hala sugo deeqda iman doonta iyo ta ka dambaysa..
halkaa waxa ku burburay noloshii dalka qaybtii ugu muhiim sanayd,
hadaba waxa lagu caawiyo ma wax taya u lehbaa nol0shooda..?
baahidoodase miyay dabooli kartaa asaagood waxay isugu soo dareen..?
waanu aragnaa raashinka la keeno noocuu yahay...
naftu waxay quudan karto maaha waa wax ku raagay kuna doorsoomay bakhaarada beeralayda Maraykanka meel kale markii loo waayay ayaa lagu soo daabulay dalkan aan lahayn cid ka dhawrta qashinka..
waxaasaa ragi ka taajiray daarana ka taagtay malaayiin qofna ku mustaqbal seegeen
hadaba akhristaw hadii ujeedada laga lee yahay ay tahay in loo naxariisto dadka Somaliyeed amaba wanaag lala doonayo miyaanay ahayn in laga caawiyo xaga mashaariicda horumarinta beeraha looguna deeqo qalab ay wax ku tabcadaaan sida cagaf cagafyo matooro iyo dawooyinka lagu bacrimiyo beeraha......?
su aasha u dambaysaa Somalia miyay u baahan tahay in loogu deeqo wax lagala xishoodo qof bani aadam ah..?
lax waliba shilinkay is dhigtaa lagu qalaa:
waa waxay iyagu doorteeen.
dhab ahaan waa ay ka maarmaan inay asaagood gacmaha ay hoos dhigtaan
nimcaduu ugu deeqay Rabbi ayaanay waligood ka faqriyeen...
waase goorma...?
waxaanu ku qaadaa dhigi doonaa qodobka afaraad hadii rabi idmo
waa inoo iyo kulan dambe oo xiisa leh

Goormaa tolow la sixi..2..!??

Maqaalkani waa qaybtii labaad ee barnaamijkii ku saabsana sida ugu haboon ee loo sixi karo khaladaadka laga galo wadanka iyo muwaadiniinta waxaana hubaal ah hadaan la sixin dibna loo fiirin inayan waxba hagaagi doonin xaalkuna kasii dari doono:
Waxayna qaadi dhigi doonaa maanta qodobkan
1:Yaa xaq uleh in uu dalka hogaansho...?
waxaa laga yaabaa in ruux waliba uu yidhaado beeshaan ka dhashay cid uga habooni ma jirto, taasi waa ta inaga reebtay asaagayo ina dhigtayna meesha aanu maanta fadhino
Qofka xil u qabanaya ummada waa in uu yahay qof ku sifaysan dhawrkan qodob:
1:Waa inuu yahay qof muwaadin ah kana dhar tiran jinsiyad kale
2:Waa inuu yahay qof lagu yaqaan wadaniyad jacayl
3:Waa inuu yahay qof Muslim ah
4:Waa inuu yahay qof aqoon sare iyo khibrad u leh xilka loo dhiibayo
5:Waa inuu yahay qof aan marna lagu eedayn khiyaano qaran & anshax xumo
waxaase laysku khilaafi karaa haduu yahay qof qaba xaas aan ahayn Soomaaliyad maloo dhiibi karaa xil qaran sida madax weyne wasiir iyo wixii ka ag dhaw...?
sida aan aamin sanahay una arko inay waafaqsan tahay caqliga suuban
waxa weeye inayan haboonayn marnaba in laga hor istaago xil inuu qabto qof muwaadin ah hadii laga helo shantaa qodob ee kor ku xusan,
waayo ubadku sidooduba waxay ku abtirsadaan waa aabahood,
hadiise la helayo qof kale oo la khibrad iyo aqoon ah marwaduu qabana ay tahay Soomaaliyad isagaa uga mudan xilka waayo wuu ka muwaadinsan yahay,
badanaa nin qodob uu dajiyay lagu qaaday naftaydaan u yaabaa
doodaasi waxay iman kartaa hadii marwadaa ajinabiyada ahi ay tahay muslimad uun, hadii ayse noqoto qof haysata diimaha kale waxay ka xijaabasaa odaygeeda inuu isu soo taago xil noocuu doonaba ha ahaadee
waana qodob aan muran iyo madmadaw marnaba lagali karin:
bal aynu inyar dib u fiirino kuwa lagu tilmaamo inay Somalia xilka u hayaan:
maxaad ku taqaanaan..?
ma muwaadiniin wax lagu aaminaabaa..?
ma dad aqoon u lehbaa xilkay sheeganayaan...?
halkayse kaga jiraan taariikhda shacabka Soomaaliyeed...?
والله لو اني لي بهم قوة...لما عاش امثال هولآء على تربتي الغالية لحظة
صدق الطوقان حيث قال
اما سماسرة البلاد فعصبة ** عارعلى اهل البلاد بقآؤها
wixii aad ka hasyo ee macluumaad ah kuna aadan dalka iyo dadkuba kuwa ay ka dagi la`yihiin fadlan noogu sii dir
E-mail-khalid2005_84@hotmail.com