Monday, September 3, 2007

Waano wax ku ool ah

Asalaamu calaykum
Walaal anagu waxyaalahan ay dadka qaar ku cel celiyaan iyaga oon fahmahayn Macnaheeda anagu marnaba Ku Odhan Mayno waxyalahaa waxaa ka mid ah irhab xagjir iyo waxyaalo kaleba,
Lakin waxaanu leenahay walaalkayo abu suldan jazaakalahu khayran

waa arin intaa in ka farabadan u baahan inaad isku mashquulisid oo aad dadka ku baraarujisid.
Intaa hadaan uga gudbo qodobka aad wax ka taabatay waa arin jirta ninkii wax garad ah ama waxbaadhana ugu horayntii uu dareemi karo
1-iyaga inbadan ayanu ka maqalnaa somaliya haloo gargaaro ama baahi ayaa ka jirta marka iyaga waba wax iska cadi ah wayo wa ninkii gabyaga aha hadalkiisii oo kale

baadida ninba kula daydaya daalna ka badane
aan doonayn inaad heshid daa,in abidkaye,
lakin waxa ka daran tas ninkasta o Somali ah suxufi ama shacabka kaleba rag iyo dumar yar iyo waayeelba marka ama saxafad laga warsanayo ama uu ka hadlayo ilaahay wax ma waydiistan oo ma xasuustaan laakiin waxay yidhahdan hayaduhu wax hanala so gaadheen.
Tasina waxay na xasusisa gabaygii aha

المستغيث بعمرو عند كربته *** كالمستغيث بالرمضاء في النار
2-waa ta beralayda wa arin xaqiiqa ah oo ay sameeyaan gaaladu waxa intaa dheer oo uusan sheegin abu suldan iyadoo ay iska macruuf tahay marka ay beeralaydu iska daayaan abuuritaankii beeraha iyo tacbashadoodii wayka goostaan xataa raashinkii bakharadooda ku baryay ee dhacsanaa ,
hadhawna waxay yidhaahdaan majaaca ayaa jirta .
3-hadalka wan dheereeyayee arin sadexaad ayan ku darayaa wadanka yaynu uga cararaynaa qof waliba tahriib ayuu raadinayaa kii wadanka dhaqaalaha ku haystay kuma qanacsana maalinta danbe bad ayaa liqday ayad maqlaysaa isagoo tahriiba ama daabuur{saf} qaxooti ayuu ku jiraa
mawaxaad rabtaan hadhaw inay noqoto dooda ugu wayni sida falistiiniyiinta ku dhacday wixii wadanka ka baxay 47 kii masoo noqonayaan oo arinka la isku marilayahay ah ilaa hada,
ma waxad rabtaan in layidhaahdo wa sida ay gaaladu wadee

wixii baxay 91 kii masoo noqonayaan?
waxaan kuso gunaanadayaa hadalkayga waxa wax lagu saxi karaa in gacamaha la is qabsado

wadankana laga tabcado
wadanka khayradkiisa laga faa`iidaysto
laguna ganacsanaado oo galo la iska dhiciyo,


Abuubakar

Wabilahi tawfiiq