Friday, August 3, 2007

Haquusan Qaadir baad lee dahaye....!!!!

Waxaan aalaaba is weydiiyaa maxaa isku diray Soomaalida?
Maxaa is necbay siiyay?
Maxaa hilmaan siiyay cadawgooda?
maxaa ka hortaagan samaanta ?
ma xumaanay doorteen baa mise waa mid dad kale ay lugta kula jiraan?
waa laysku diray ma caqlibaa?
ma wax gole lala yimaadaaa?
ma wax nin weyn qiil ka dhigtaabaa?
waxaan il gaara ku eegaa shakhsiyaad aan ka shakiyo inay Soomaali yihiin…!
Lagana yaabee inaad ila wadaagtaan ra`yigaa, markaad aragto qof ku leh waxaan ahay Somali misana u taagan habeen iyo maalin dhibka shacab aan waxba galabsan kuna farxa dhibaatada ku habsata uguna dara digasho oo an ku gaabsan intaa balse u raacshay cadaw inuu kusoo hogaansho gacantana u galiyo,
Dadaw maxaad ku xukumi lahaydeen ruuxaasoo kale hadii rabbi gacanta idiin soo galiyo?
Dhab ahaan waan hubaa inaad ku faraxasaan bishaaradaydaa, muranna kama taagno in mar uun gacanta lagu dhigi doono,
Hadaba waxaa ah wax laga yaqyaqsado in aanu aragno goor walba rag
{iga raali noqda wallaanay u istaahilin magac rageede} u taagan amaanta iyo difaaca dalka Ethiopia magaran sirta ku qarsoon, masaaxiibtinimo fogaatay baa?

mise waa sir aan la gaadhin gunteeda?
gooray noqotaba waa la ogaan waxa ku daahsoon,
Tusaale kooban hadaan idinka siiyo:
Laga soo bilaabo tan iyo intii ay ciidamada hororka ee amxaaradu xooga ku qabsadeen dalka Somalia waxay gaysteen xadgudubyo aan la koobi karin,waxaa ka mid ah kufsigii ay kula kaceen marwo Soomaliyeed oo ku sugnayd {Darmoolay} duleedka caasimada Muqdisho, meeshii looga fadhiyay dawlada federaalka {waa sida la sheegee} inay wax uun ka tidhaado aafadaa ku habsatay marawadaa Soomaaliyeed ayaa waxa uu amaan ballaadhan usoo jeediyay wasiir ku xigeenka gaashandhiga
Mudane!!! Salaad Cali Jeele ciidamada ay saaxiibada yihiin oo uu ku tilmaamay inay ku wacan yihiin dhawrista anshaxa iyo ilaalinta xuquuqda
Waxa uuna intaa ku daray inay yihiin dad ay usluubtoodu aad iyo aad u wacan tahay,
Dadaw saw yaab maaha waxa uu ku hadaaqay odaygu?
Maya walaanay u ahayn ileen wuxuu soo wataa hore loo ogaayeee!!!
{nabaraad og tahay naxdin kuguma rreebo}

saraakiisha Ethiopia-na uma amaanaan ciidankooda sida uu odaygu u sharaxay una naashnaashay,
Hadaba yaa u maqan maatada ay diiftu ka muuqato?

yaa umaqan kuwa ku naf waaya bad weynta badhtankeeda...?
Ma waxaa laga sugaa naxariis kuwii ka hor istaagay in la caawiyo kuwii ay bara kiciyeen?
Ma waxaa dalka hogaamin ninka amxaaro dajiyay wasaaradii gaashan dhiga?
Ma waxaa madax u noqon ninka ku diirsada hugunka hoobiyaha lagu hago maaatada?

ma waxaa samaan laga sugaa kuwa ugu baaqay shacabka Somaliyeed in amxaarada lagu soo dhaweeyo caleema qoyan...?

Ma waxaa talo laga sugaa ninka ku tilmaamay beeshuu ka dhashay inay argagixiso yihiin?

ma qof sir wadan lagu aaminaa ruux laba wajiile ah?
dadaw ma rajaad weli qabtaan inta kuwaasi nool yihiin?
dalkaygow cidi kuuma maqna ceelna kuuma qodna hase quusan qaadir baad lee dahaye,
Bal aynu dhawrno abaal gud iyo amaan inay ka helaan amxaarada iyo inay ku dambeeyaan alam baqa,
ma amxaaro iyo dhaqankeedaanay tolow aqoon?

mise iyagaaba ah duul naloo soo qariyay?
Mise waa duul meel kale loo wado?

Nin dareen leh mooyee doqoni yeelkii!!!!!!

Qore:Abu sultan Abdi Nasir H:

No comments: