Tuesday, August 21, 2007

Goormaa tolow la sixi..1..!??

Waxaa laga yaabaa in qaar badan oo kamid ah akhristayaasha ay ii arkaan qof isku daaliya waxaan loo heli karin xal kuna lumiya waqtigiisa waxaan raja lahayn,
hadaba akhriste waxaan ku lee yahay majiro cudur aan dawa lahayn sida diintu noo sheegtay inkastoo aadmigu aqoontiisu gaaban tahay
waxaa laga yaabaa in kuwa kale ay ii arkaan ruux cilmaani ah sida aan uga hadlo aalaa jacaylka wadanka iyo dhawrista qaranka sharafta leh dalkaaga ood jeclaataa waa qayb kamid ah nolosha wanaageeda waana ta umaduhu ku kala hormareen:
Hadaba aan idin dareensiiyo khaladaad dhawr ah oo looga baahan yahay ruux walba sidii uu uga qayb qaadan lahaa sixitaankooda:
1:Muwaadin waa maxay waajibka saaran...?
waajibka saaran ruuxa muwaadinka ah ayaa ka horeeya xaqa uu lee yahay
waxaa looga fadhiyaa ruuxa muwaadinka ah inuu u hayo dalkiisa galgacal inuu u adeego inuu u huro naf iyo hanti wuxuu heli karo inuu ka jecel yahay qofka ay isku wadanka yihiin cid walba oo kasoo hadha marka laga reebo dadka ay shareecadu nafartay inaanu jeclaano
inuu ka horaysiiyo danta guud mar walba tiisa gaarka ah inuu doorbido ku noolaanshaha dalkiisa oo aanu marnaba u haqal taagin dal aanu lahayn waxayse u muuqataa talooyinkaa wax ku oolka ahi inay yar yihiin kuwa kuwaana qaata,
waxaase ayaan dara ah inaanu maqalno ereyo laga naxo oo ay dhalinyaradu ka caada dhigteen inay ku hadaaqaan goor waliba.
waxaa kamid ah: Dhoof ama dhimo : Africa goormaa lahabaaray: No life in here: xayawaanka yurub ayaa naga xuquuq wacan iyo ereyo kale oo ay adag tahay inaan ku qoro halkan:
taasina waxa ay tilmaan cad u tahay xurgufta ka dhaxaysa wadanka iyo kuwii lagu tilmaamayay inay iyagu lee yihiin waana wax uu ka noxo qof daacad u ah dalkiiiiiiisa hoooooooooyo
2:Muxuu muwaadinku xaq u lee yahay...?
waa su`aal laga yaabo inaydan is weydiin weligiin amaba aanay kusoo dhicin maankiina waayo waxaan laydiin qeexin qiimaha wadani lee yahay
Muwaadinku marka uu guto waajibkaa muqaddaska ah ee aanu soo xusnay wuxuu xaq u lee yahay inuu helo nabad waxbarasho caafimaad iyo wixii adeega ee lama huraan ah
waana inay dawladu u hagar baxdaa wax u qabadka maatada ay xilka u hayso:
hadaba waxaa su`aal ah: Dawladu xaq miyay u lee dahay inay shaqaalaysiiso dad shisheeye/ajanabi ah iyadoo muwaadiniintu shaqa la`yihiin...?
waa arin aad xasaasi u ah inaguna badan hadaanu nahay Soomaali
waxaa ayaan dara ah inaad ku aragto goob walba oo kamid ah gayiga Somalia macalimiin iyo dhakhaatiir laga keeno dalal kala kaan ah sida India Masar Kenya,iwm
iyadoon la hubin khibradaha ay u lee yihiin hawlaha ay qabanayaan,
aqoontay doonaan halahadaane miyaanay ku ahayn dhib iyo culays aqoon yahanka Soomaaliyeed ee gidaarka yuurura cid hawl galisana waayay..?
miyaanay taasi ahayn wax yaabaha ku dhaliya dadka nacaybka dalkooda..?
waa ayaan daro waa ayaan daro waa ayaan daro waa ayaan daro
muwaadiniin aqoon yahana ah inay busaaradi diirato rag shisheeyana Dollar loogu guro jeebabka اين كرامة المواطن....؟
ومتى اصبح الأجانب اولى بالوظآئف من المواطن...؟
ام بشرة الخواجة براقة وجذابة حتى وان كان اجهل من امه...؟
sidee lagu gaadhi horumar hadii muwaadinkii loo tuuray dibada...?
ma waxaa dalka daacad u noqon una adeegi nin shisheeye...?
miyaanay haboonayn in arimahaa gudi loo saaro sida ugu dhakhsiyaha badan si loo soo afjaro darxumada haysata muwaadinka Soomaaliyeed.?
Qodoba kale oo xasaasi ah waxaad kala socotaa barnaamijyada soo socda insha alah
المواطن له المكانة المرموقة...
وله ان يعيش عالي الرأس...ولايجوز للأجنبي ايا كان ان يتقدم بين يدي المواطن ولو بشطر كلمة....هكذا علمتنا الحياة...وهذه اسما وسيلة تكفل للمواطن رغد العيش والبقآء في عقر بلده عزيزا كريما...فهل انتم لي مأيدون...؟ ام لاقتراحات سيدكم مخالفون..؟
ولكنكم ستعلمون ما اقول...وعلى تقصيركم نادمون