Friday, August 3, 2007

Maalmihi madoobaa!!!

Inkastoo maalmuhu yihiin kuwa siman ilaahayna wada abuuray hasa yeeshee waxaa kala duwan dhacdooyinka dhaca maalmahaa gudahooda kuwaa oo u kala qaybsama kuwa aan la hilmaamin lana xuso wanaagii la helay maalmahaana dadku aanay ka qaadin carabkooda iyo maalma kale oo ay dadku door bidi lahaayeen in laga gooyo taariikhdooda lagana tiro maankooda hadaba maalinta ugu madaw ee taariikhda shacabka soomaaliyeed waa markii ciidamada Ethiopia ay soo caga dhigeen magaalada Muqdisho taariikhduna ay ahayd maalin khamiis ah 28/sept/2006 waa maalin ay i dhibto soo hadal qaadkeeda kuna ah waji gabax dadka Soomaaliyeed,hadaba ubadka Soomaaliyeed ma u furan tahay inay la kaftamaan amaba gole la fadhiistaan dhasha kuwii ku tuntay sharaftii dalkooda? dadaw ma ku haysaan maankiina mise waad is hilmaan siiseen waxa ay ku kaceen cadawgiinu? siday doontaba ha ahaatee ma iga yeelasaan inaanu ka goyno taariikhda Soomaaliya dhawrkii bilood ee aay amxaaradu xasuuqa ku hayeen shacabka Soomaaliyeed? mise waxaanu nidhaanaa amxaaradu waa junuud ilaahay noo soo diray si ay inoo kala badbaadshaan?wax walba la arag bal aynu sugno waxa soo socda saacadaha inagu soo food leh, Alaa weyn ninkii aaminaa awoooooood leh...........إنا لله وإنا إليه راجعون

No comments: