Saturday, January 12, 2008

FARXAAN KHALIIF MACRUUM
XAAJI MACRUUF
Mahad balaarini waxay u sugnaatay Allah abuuray koonka, tagayna cirka iyo dhulka tiir la aan nabadgalyo iyo naxariisi dushiisa ha ahato Nabigiisa Muhammad.
Intaa kadib run ahaantii ahal uma ihi qoraalka, khibrad iyo wayo aragnima igu filana uma haysto qoraalada caynkan oo kale ah hase ahaatee , waxa igu kalifay in aan fikradayda daciifka ah iyo aqoontayda yar aan ku biiraya walalaha kale ee anan u dhuun daloolin taariikhda ama waaqica dhabta ah ee kajira Geeska Afrika gaar ahaan Somalia iyo loolanka soo jireenka ah ee ka dhexeeya muslimiinta geeska afrika(Somalia) iyo masiixiyad geeska Africa(Eithopia).
Si kastaba ha u noqotee loolankaasi wuxuu soo maray marxalada kala duwan, oo ay igu dambaysay marxalada uu marayo dalka iminka, hadaba arimahaa oo isbiirsaday iyo xaalada uu ku suganyahay dalkayga hooyo ayaa igu dhaliyaya in aan wax ka qoro taariikhda cadawadeed ee u dhaxaysa Somalia iyo Ethiopia ama siraaca diineed ee geeska afrika oo ay kala matalan labadaa dal ee aanu soo xusnay.
Hadaba somalidu waxay ku maahmaahdaa geeridii laga sheegay galbeed gondahaada ka day, dad badan ayaan ku baraarugsanayn waxa uu salka ku hayo dagalka ka aloolsan gayiga geeska Africa oo aaminsan in uu yahay dagaal qabiil ama mid siyaasadeed balse ay hada u cadaatay waxa uu yahay dagaalku, kadib markii ay ku baraarugeen tankiyada xabashida oo dul abaabaya caasimadii Somalia.
Sidaa owadeed waxaan halkan kusoo bandhigi doonaa bilowgii colaada Somalia iyo Ethiopia iyo heerarkii ay soo martay, run ahaantii mowducani waa mid ahmiyad gooni ah xambaarsan ahna mid aad u balaaran una baahan in lagu bixiyo wakhti dheer iyo mudaalaco, suurtagalna ma aha in lagusoo koobo qoromo ama qoromooyin ee waa mid u baahan in lagu qoro dawaawiin .
Hadaba maadama aynan suurtagal ahayn in lagu soo koobo moowduucan maqaal ama dhowr maqaal, waxaan doorbiday in uu noqdo mid taxana ah si ay uga bogtaan aqristayasha sharafta leh una helaan xaqiiqda dhab ah ee ka dambayso cadaawadaa.
Boqortooyadii Xabashida
Boqortooyada xabashidu waxay ahayd boqrtooyo weyn xiriir wanagsana la lahayd boqortooyadii Roomanka ee xakumi jirtay inta badan Europe, qaybo badan oo kamid ah Asia.
Waxaa hoos tagi jiray xabashida dalka Yamen, waxyaalaha lagu xusuusta waxaa kamid ahaa weerarkii uu ku qaaday Abraha kacbatul musharaf uu Allah ku sheegay qurank, kuna halaagay abraha iyo wixii uu watay.
Hadaba markii lasoo sarayay Nabi Muhammad S.C.W. Dhulka xabashida waxaa xukumi jiray boqorkii Muslimay ee Najaashi. Sida aan wada ogsoonahay diinta Islaamku waxay soo gaartay Somalia hijardii koowaad ee asxaabtu ay usoo haajireen dhulki la oranjiray dhulkii xabishada , waxay kasoo dageen sida lasheego marsadii Zaylac ee Somaliyeed, tankale dhulkaa waxaa ku nolaa qowmiyada fara badan oo ay kamid tahay Somali,Sidaamo,Cafar,Amaharo,Tigree,Oromo,Gaalo, Bani Shanqul oo dhamaan ahaa dadkii daganaa dhulka xabashida .
Qorayaasha reer galbeedku waxay ku andacoodaan in Ethiopia ay tahay Christianka geeska afrika, diinta Christinkuna ay gartay bilowgii soo saaris Jesus.
Hadaba su, aasha is weydiinta mudani waxay tahay Islaamka ka hor diimihii laga amainsanaa dhulka Xabashida? Adwer Olandrof wuxuu ku sheegay bookiisa layiraahdo "Ethiopians"( kala saaristii diinta iyo dowladnimada "ka hor fiditaankii diinta Christina, dadkii ku noolaa Ethiopia waxay u qaybsanayeen kuwa aaminsan caqiida mosame ama diintii mouse iyo kuwa caabuda arwaaxda (Holy Ghost), sidaa darted aad ayay ugu adkaatay diimihii islamka iyo christiankuba in ay si sahlan ugu faafaan, sidoo kale waxay dhibaata ka soo wajahday dadkii laa diiniga ahaa(cawaan)".Wuxu kale uu yir ‘jiritaanka diimeed ee xabashi wuxuu ahaa mid uu mugdi kujiro wixii ka horeeyay qarnigii 4aad ee miilaadiga, Ethiopia waxaa laga caabudi jiray jinka,geedaha,qoraxda iyo cirka).Dhanka kale waxaa lagu turjumay booka Injiilka luqadii tigreega qarnigii 5aad ee miilaadiga,kadib markii ay soo gaareen eithopia wufuud ka socotay kaniisadihii galbeedka kuwaas oo dhisay macaabid iyo meelo lagu faafiyo diinta masiixiga.
Dowladii Islamka Zaylac ee somaliyeed
Ummade somaliyeed run ahaantii waxaa lagu fuliyay qaacidadii ama oraahdii uu yiri Hitler (Hadii aad doonaysid in aad dishid bulsho dil marka hore taariikhdooda) waxaad moodaa in hadalka uu saameeyay uma somaliyeed kadib markii ay soo wajaheen hagardoomooyin,dagaalo badan oo kaaga imanayay gumaystihii iyo acdaadii islaamka kuwaas oo qariyay taariikhdii dhabta ahayd ,juqaraafigi iyo siyaasadi, waxayna soo saareen dhalin aanan garanayn dhaqankii,taariikhdii uu lahaa dalkoodii hooyo,garaadkooduna oo ku simanyahay taariikhdii uu qoray gumaystuhu qarnigii 20aad xiliyadii isticmaarka,waxaa layaab ah hadii aad ku tiraahdid mid kamid ah dhalintaa caasimada ethiopia ee addisababa waxaa laga xukumi jiray Zaylac ,ithopiana ma aynan lahayn ee waxay qabsatay xiligii boqorkii mililik ama miniilik sanadkii 1893, ama aad ku tiraahdid waa qayb kamid ah dhulka somaliyeed ee ay eithopia gumaysato , wuxuu u moodayaa dhalanteed halkadhalinta ithopia lagu abaabiyo taariikhdana loogu dhigo in eithopia ay iska leedahay lagasoo bilaabo gacanka cadan ilaa suudaan oo aanay jirin wax Somali layiraahdo,hase yeeshe maanta waaba ka daroo dibi dhal ,oo waxaa yimid qaar sheeganaya siyaasiyiin ama mas,uuliyad oo kusoo hogaanshay dalkii cadowgii soo jireenka ahaa ee umada somaliyeed , si xishood la,an ah ugu hadaaqaya ,hadalada ku dhisan axmaqnimo oo oranaya waxaanu nahay dad walala ah,runhaantii waa wax laga yaqyaqsado ,lakiin taariikhda ayaa xusi doonta ninkii baal dahaba kagalay halganka iyo kii calooshiis u shaqaysta ahaa, lakiin umad waliba waxay leedahay rag u istaago xuriyadeeda iyo jiritaankeda, somaliyana way joogaan wayna joogi doonan Allah idinkiis .Hadaba u kaalay meelihii ay xukumi jirtay dowlada zaylac ee somaliyeed iyo imaaradaha hoos imaan jiray. 1.Imaaradii islamiga ahayd ee "Eifaat" waxay ahayd imaarat xakunto dhulka manta loo yaqaan Shaawa , waxayna dhacdaa woqooyiga addisababa 30km, ka hor inta aneey qabsan gumaystihii amxaarada bilowgii qarnigii 17aad ee miilaadiga, kadib markii la jabiyay ciidamadii muslimiinta iyo geeridii geesigi weynaa Axmed ibraahim gureey,taa oo ka dhalatay markii ay weerer aad u xoog badan ku soo qaadeen macatab u dirirkii (salibiyiintii) naftood hurayaasha ahaa ee uu soo diray Pop Scander ee uu dambi dhaafka u balan qaaday ee kayimid Europe una hiilinayay xabashida ,markii ay qabsadeen waxay tirtireen dhamaan ,raadadkii islaamka ,masaajidadii, macaahidii quran, ayagoo ku badalay kaniisado iyo macaabid ,sidoo kale waxay gumaaday dhamaan dadkii ku nool deegaankaa oo kaliya ay ka baxsadeen dad fara ku tiris ahaa ee u cararay magaalooyinka jaarka la ahaa imaaradaa, sida ay ku sameeyeen dhulkii Andale's ama halka hada loo yaqaan spine iyo Portugal oo ay gabi ahaanba baa bi,iyeen raadad islaamka ee kajiray 10qarni. Marki ay la wareegeen imaaradaas waxay ka aas aaseen boqortooyada shaawa ee christianka ahayd waxay badaleen dhamaan magacyadii magaalooyinka iyo raadadkii ismaalmka. 2. Imaaradii Dawarow waxay dhacday woqooyiga Baali daanta wabiga, waa dhul beeraleey ah walina waxa dago dad Somali ah. 3. Saldanadii Araabiini ama alabiini labadaba waa lagu sheegay bookta taariikhda, hase ahaatee magaranayo halka ay dhacdo magaaladan lakiin waxaa la rumaysanyahay in ay magaalada abbo, waxayna iskugu jireen dad qodota ah iyo raacato. 4. Saldanadii Sharkha waxay dhacdaa saldanadasi bariga abbo, dadka maglaada waa dad lagu sheegay dad culuma ah jecelna diinta Islamka. 5. Saldanadii Baali waa saldanadii ugu wayneed dowladii zaylac, waxay macruuf ku ahayd wax soo saarka sida suufka, bunka, dharka, waxayna ahayd dhul beeraleey ah, waxayna kamid tahay magaalooyinka cilmiga loo aado geeska afrika, waa magaalo fiqhi iyo luqada . 6. Saldanadii Daarow waxa lagu sheegaa in ay ahayd saladanadii ugu taagta darayd ee dowlada zaylac. 7. Saldanadii Caadil, saldanadaas kama hayo wax fahfaahin ah, bookta taariikhdu kaliya waxay xuseen magacaa kaliya lakiin waxay ahayd imaarad kamid ah zaylac. 8. Saldanadii HADYA waxay dhacdaa koofurta eiifaat waxana xukumi jiray suldaan kaanim oo la Oran jiray jaad, suldaankii ugu xooga badnaa wuxuu ahaa suldaankii ugu xooga badnaa ee soo mara imaaradas,sida la sheego waxaa in ay dhacdo deeganka ay daganyihiin dadka gambeelaha iyo joodiile, dadkaas oo aha dad walaalo la ah somalida waxana lagu kla magacaaba aboow,waryaa,aykaa. Saldanadaas waxaa ka soo baxay rag ay taariikhdu xustay geesinimadooda, dagaalyahano ah sida geeska weynaa ee u gargray diinta islaamka Jamaaluddin Mohammed sacduddin al zaylaci isagoo difaacay marki ay soo wareertay boqortooyadii tigreega jab lixaad lehna u gaystay ilaa uu dilay boqorkii isxaaq ee ahaa boqor kamid ah kuwii ugu waynaa
Isku dhicii ugu horeye ee Islaamka iyo Christianka ee geeska Africa
Sida aan lawada socono dagaalka u dhaxeeyay mujtamacadakii Islamka iyo christianku ee wakhtigaa ma uunan ahayn mid ku kooban dhul cayiman ee wuxuu ahaa dagaalka ku socday hab tartan ama loolan diineed si loo kasbado dadkii cawaanta ahaa ee ku noolaa dhulkaa. Islam wuxuu doonayay in dadkaa laga saaro mugdiga, jahliga iyo gaboodfalka loona daadihiyo cadaalad iyo sinaan,halka christianku uu doonayay aduunsiga ,tagri falka ,dhac,boob iyo in kan xooga lihi uu qaato kan taagta daran xaqiisa, xeerkoodu wuxuu ahaa kan duur joogta .
Hadaba dadkii cawaanta ahaa ayaa la dhacay cadaalada iyo wanagii ay xambaarsaneyd risaaladii islaamka dabadeedna isu badal Muslimiin taas oo caro galisay christiankii, dabadeedna waxaa bilowday dagaal military iyo mid siyaasadeed oo u dhaxeeya labadii awoodood oo ay kala hogaaminayeen Imaaradihii islamka ee Zaylac, harar, shaawa, eyfat (Adissababa) ee dhulka somaliyeed iyo boqrtooyadii christianka ahayd ee Axmaara ee katalin jirtay buuraha sare ee dhulka eithopia.
Dagaalkaa wuxuu si toos ah u bilowday kadib markii ay burburtay dowladii Aksomia ee tigreega ahayd, taa waxay keentay dhalashadii imaaradi Amxaaro ee dhulka buuraha sare ee eithopia, taas oo markii dambo ku fiday ilaa dhulka tigreega, taana waxaay sababtay in ay is dhaxgalaan dhaqamadii, luqadahii amxaari iyo tigreega ilaa markii dambe laga qoray book kulminaya luqadahaa laguna magaacabay( jacaz) taas oo noqotay luqada cusub ee dowladaa,markaas ayay bilaabeen qolooyinka faafinayay masiixiyada in ay ku fidiyaan qowmiyadaha kale ee cawaanta ahaa iyo in ay ka hortagaan horomarkii iyo faafadii diinta Islaamka ee Ethiopia
FIIRO GAAR AH
Hadaba akhristoow Kama maarmo wixii talo iyo tusaale ah ee aad igu biirinaysid, sidoo kale cidwaliba oo ku aragto wax khalada ah articlekan waxaan ka codsanayaa in uu iigu soo gudbiyo cinwaankan emailka si aan uga faiidaysto.
Fadlan lasoco qaybta 2aad cinwanka
(Dagaaladi dhexmaray dowladii islamka ee Zaylac iyo boqortooyadii Christianika ahayd ee xabashida).
macruufxx@hotmail.com